Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Dibadbaxyada ka dhanka ah Donald Trump oo kusii kordhay Maraykanka

Dibadbaxyada ka dhanka ah Donald Trump oo kusii kordhay Maraykanka

Dalka Maraykanka waxaa kusii faafay dibadbaxyada galay maalintii labaad ee looga soo horjeedo Madaxweyne Donald Trump, dadka bannaanbaxaya ayaa ka carooday dhowr arrin sida masaafurinta Dadka, Duullaanka Iiraan & kuwo kale.

Dadka bannaanbaxaya ayaa helay isbahaysi xooggan, waxa ay tabashadooda ku faafiyeen Gobollo kala duwan sida St Paul, Minnesota, Dallas, Los Angeles, Washington, New York iyo meelo kale oo wadarteeda noqonayso 50 Gobol.

Waxa ay adeegsanayaan ereyga ah “No Kings” oo loola jeeda (Boqor ma jiro) oo marka sharaxaad dheeraad ah la saaro u dhiganta in aysan dooneen kaligii taliye oo ay ula jeedaan Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo jiho kale u diray Dalkaas.

Marba marka ka dambaysa waxaa sii kordhaya dadka dibadbaxaya oo haatan celceliska boqolleyda noqonaysa 40% waana culays xooggan oo kusii kordhaya Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.