Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Nabadoon caan ah oo lagu dilay deegaanka Lambar 50.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay deegaanka Lambar 50.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay tuulada Fadimuuse oo hoostagta Lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo loo geystay nabadoon Shuute Abuukar Cusmaan.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in koox askar ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ay gurigiisa ku dileen nabadoonka, xilli uu ku sugnaa hoygiisa, taas oo argagax ku abuurtay bulshada deegaanka.

Maamulka Lambar 50 ayaa xaqiijiyay in afar askari oo falkaasi ku lug lahaa la aqoonsaday, iyadoo laba ka mid ah durba gacanta lagu soo dhigay, halka laba kale ay baxsad yihiin, lana baadi-goobayo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in si degdeg ah loo xaqiijiyo cadaaladda.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa xiray eedeysanayaal kale oo lagu tuhunsan yahay inay door ku lahaayeen abaabulka dilkan, taas oo muujinaysa in falka uusan ahayn mid si keligiis ah u dhacay, balse laga yaabo inuu lahaa qorshe hore loo dejiyay.

Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50, Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay ka yimaadeen deegaano kale oo ka tirsan gobollada Shabeellooyinka, isagoo xusay in baaritaanno ballaaran ay socdaan si loo ogaado sababta dhabta ah iyo cid kasta oo ku lug leh.

Ugu dambeyn, maamulka deegaanka ayaa caddeeyay in dhammaan eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, si sharciga loo marsiiyo, loona xaqiijiyo in cadaalad loo helo nabadoonka la dilay iyo qoyskiisa.