Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Trump & Netanyahu oo wajahaya dacwado la xiriira dambiyo dagaal oo ka dhacay Iiraan

Trump & Netanyahu oo wajahaya dacwado la xiriira dambiyo dagaal oo ka dhacay Iiraan

Waxaa bannaanka usoo baxay wararka sheegaya in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump & Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ay wajahayaan dacwado dagaal oo ka dhashay weerarradii ay ka gaysteen gudaha Dalka Iiraan.

In ka badan 100 khabiir oo sharci yaqaanno ah una dhashay Maraykanka ayaa saxiixay warqad muujinaysa in ay dambi ka dhan ah Aadanaha uu ahaa weerarkii labadaas hoggaamiye ay ku beegsadeen Iskuullo ay wax ku baranayeen Gabdho oo ku yaalla Tehran.

Waxa ay sheegeen in weerarkii Maraykana iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28kii Febaraayo 2026 uu ka dhashay natiijo aan la mahdin sida in ay Netanyahu iyo Trump adeegsadeen waxyaabo badan oo ka baxsan heshiisyada caalamiga ah sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxa ay dambiyo dagaal beegsiga Goobaha Waxbarashada Iiraan halkaas oo lagu dilay Gabdho yaryar, Haween Uur leh iyo kuwo da’ dhexaad ah, iyada oo dhinac la iska dhigay shuruucda caalamiga ah lana fuliyay weerarkaas waaba dambi kale” ayaa lagu yiri Warka ay sida wadajirka ah usoo saareen sharci yaqaannadaan u dhashay Maraykanka.

Bayaanka ayaa lasii raaciyay “Isticmaalka awood Militari oo dal kale lagu qaaday iyada oo aanay fasax guud Golaha Ammmaanka ee Qaramada Midoobay looga qaadan waa halis kale oo fasixi karta in dal weliba uu ku duulli karo waddan kale”.

Iskuullada, Goobaha Caafimaadka, Xarumaha Tamarta, Biyaha, Buundooyinka muhiimka u ah isu gudubka iyo goobo kale oo taabashadoodu ay dambi tahay ayay si bareer ah u beegsadeen Maamullada Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu.