Mohamed Salah ayaa dib ugu soo laabanaya Liverpool kulanka ay la ciyaarayaan Manchester City ee FA Cup.
Salah ayaa hore uga maqnaa dhaawac, balse hadda waa diyaar.
Federico Chiesa sidoo kale wuu diyaar yahay, halka Alexander Isak uu tababarka kusoo laabtay balse uusan wali diyaar u ahayn inuu bilaabo.
Dhinaca maqnaanshaha:
Alisson Becker ayaa ka maqnaan doona inta ka harsan xilli ciyaareedka.
Ciyaartoy kale sida Wataru Endo iyo Conor Bradley ayaa sidoo kale maqan.
Goolka waxaa istaagi doona Giorgi Mamardashvili, iyadoo difaaca ay hoggaaminayaan Virgil van Dijk iyo Ibrahima Konate.
Weerarka waxaa hoggaamin doona Hugo Ekitike, halka Salah uu ka ciyaari doono garabka.
Shaxda la filayo:
Mamardashvili; Frimpong, Konate, Van Dijk, Kerkez; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Wirtz; Ekitike