Danab oo howlgal cusub ka fulisay deegaan ay Al Shabaab ku xoogan tahay.
Ciidanka Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Danab, ayaa howlgallo si xeeladaysan loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Far-Shabeel oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in weerarka si taxadar leh loo abaabulay, waxaana si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa. Ciidamadu waxay si guul leh u gaareen bartilmaameedyadii la qorsheeyay, iyagoo burburiyay fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka, inkastoo khasaaraha ka dhashay aan si rasmi ah loo shaacin.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada muhiimka u ah dhaq-dhaqaaqooda ee gobolka Jubbada Dhexe. Ciidanka Danab ayaa adkeeyay in ay sii wadi doonaan howl-gallada qorsheysan, kuwaas oo lagu beegsanayo hoggaanka sare iyo xubnaha firfircoon ee kooxda, si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan amniga dalka.
Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal miino-baaris ah ka fuliyay deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa ka saaray waddooyinka miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen, kuwaas oo khatar weyn ku ahaa nolosha shacabka iyo gaadiidka deegaanka.
Howlgalka miino-baarista waxaa fuliyay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo soo saarista walxaha qarxa. Waxaa la sheegay in howl-galladan oo kale ay sii socon doonaan si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo isu socodka guud ee deegaanadaasi.