Iran oo askar Maraykan ah ku beegsatay Kuwait.
Ugu yaraan 15 askari oo Mareykan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo lala xiriirinayo Iran, kaas oo lagu beegsaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee ku yaalla Kuwait xalay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo la hadlay warbaahinta CBS News.
Tirada dhaawacyada ayaa lagu sheegay 15 askari, hase yeeshee wararka ayaa tilmaamaya in inta badan askartaasi ay qabaan dhaawacyo fudud. Saraakiisha ayaa xusay in badankood durba lagu daweeyay goobta isla markaana ay dib ugu laabteen waajibaadkoodii shaqo, taas oo muujinaysa in weerarka uusan sababin khasaare culus oo dhinaca ciidamada ah.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in dhaawacyada ay u badnaayeen kuwo sahlan, isla markaana aan saameyn weyn ku yeelan awoodda howlgal ee ciidanka ku sugan saldhigga. Saldhigga Ali Al Salem ayaa ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin gobolka Khaliijka, gaar ahaan howlaha la xiriira ilaalinta amniga iyo hawlgallada cirka.
Dhanka kale, xog guud oo ay bixisay Taliska Dhexe ee Mareykanka, US Central Command, ayaa muujinaysa in tan iyo markii uu billowday dagaalka la xiriira Iiraan, ay dhaawacmeen 373 askari oo Mareykan ah. Tiradaas, 330 askari ayaa dib ugu laabtay shaqadooda kadib markii ay heleen daaweyn, halka shan askari ay weli qabaan dhaawacyo culus oo u baahan daryeel dheeraad ah.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo falalka noocan ah ay sare u qaadi karaan khatarta isku dhacyo ballaaran oo ka dhaca gobolka Bariga Dhexe, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed oo lagu dejiyo xaaladda cakiran.