Wifdiga Iiraan oo maanta tegaya Pakistan
Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista maanta ah sheegay in wafdi ka socda dalkiisa ay Khamiista fiidkii soo gaari doonaan caasimadda Pakistan ee Islamabad si ay u yeeshaan wadahadallo lagu xallinayo dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil.
Safiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bogga X ku yiri: “In kasta oo shaki laga qabo ra’yiga dadweynaha Iiraan oo ay ugu wacan tahay xadgudubyada soo noqnoqda ee xabbad joojinta ee ay Israa’iil ku sameysay… wafdiga Iiraan ayaa caawa imanaya Islamabad si ay u yeeshaan wadahadallo dhab ah oo ku salaysan tobanka qodob ee ay soo jeedisay Iiraan.
Trump oosheegay in ciidamadiisu sii joogi doonaan ilaa heshiis “dhab ah” laga gaarayo
Ururka Xisbullah ee dagaallama Lubnaan ayaa sheegtay inay gantaallo ku ridday waqooyiga Israa’iil.
Kooxda hubeysan ee ay taageerto Iiraan ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay xadgudub lagu sameeyay xabbad-joojinta.
Waxay sidoo kale ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarradeeda ilaa ay joogsato waxa ay ugu yeertay “gardarrada Israa’iil iyo Maraykan” ee ka dhanka ah Lubnaan.
Arbacadii, Abriil 8, waxay ahayd maalintii ugu xoogganeyd duqeymaha Israa’iil ka geesaneyso Lubnaan, iyadoo ay ku dhinteen 128 qof.
waxaa weli taagab ismari waaga ku aadan in Lubnaan ku jirto heshiiska xabbad-joojinta ay gaareyn Iiraan iyo Maraykanka iyo in kale.