Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho.
War kasoo baxay Hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorshaysan oo ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir looga hortagay mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin.
Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay qabteen qof aysan soo bandhigin magaciisa iyo xogtiisa oo waday Mootadaan oo lagu soo raray Khudaar cagaaran gaar ahaan Ansalaato sida ka muuqata sawirka lasoo bandhigay.
Mootada oo ah nooca saddexda lug leh ee dulbannaanka ah ayaa la sheegay in ay usoo gudbaysay qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyada oo ka timid dhinaca Degmada Dayniile sida lagu sheegay xogtaan hordhaca ah ee Laamaha Ammaanka soosaareen.
Amniga Muqdisho ayaa xasiloon muddooyinkii dambe, waxaa la kordhiyay baraha hubinta Gaadiidka iyada oo baaris adag la mariyo waxyaabaha saaran iyo gawaarida qudhooda, waxa ay taasi meesha ka saartay qaraxyadii ka dhici jiray caasimadda sida hadalka loo dhigay.