Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Madaxweyne Viktor Orbán oo 20 sano ka dib xukunka laga tuuray

Madaxweyne Viktor Orbán oo 20 sano ka dib xukunka laga tuuray

Putin, Trump iyo Netanyahu ayaa hal mar guul-darro kala kulmay Yurub, ka dib markii maanta xukunka laga tuuray hoggaamiyihii xiriirka ugu weyn ay la lahaayeen dalka Hungary ee Viktor Orbán oo guul-darro xanuun badan kala kulmay doorashadii ka dhacday Hungary.


Viktor Orbán, wuxuu xukunka hayay ku dhawaad 20 sanno, wuxuu ahaa mid dhuunta u galay Yurub oo si xadka ka baxsan u taageerrayay siyaasadda Puntin , Trump iyo Netanyahu, illaa Midowga Yurub uu gaaray heer ay yiraahdaan, meel uu ku suganyahay Viktor Orbán , yaan looga hadlin wax sir ah, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen isla markiiba xogtaa inuu u gudbinayo Putin.


Wuxuu ahaa mid aan waligii dhaleeceyn duullaanka Ruushka ee Ukraine, wuxuu sidoo kale codka qayaxan u adeegsaday marar kale duwan go’aamo ay Midowga Yurub doonayeen inay ku cunaqabateeyaan Israa’iil, wuxuna marar kale duwan booqday Ruushka, halka uu ahaa qofka xiriirka ugu dhow ee Yurubiyaanka ah la leh Trump.

Toddobaadkan, Trump ayaa ku-xigeenkiisa JD Vance u diray Hungary, si uu u taageerro oo garab istaag ugu muujinayo Viktor Orbán, oo ku jiray ololaha doorashada, balse taageerradaa waxba ma soo kordhin ee waxay xoojisay guul darrada Orban.