Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Rayan Cherki Oo Jabiyay Rikoor Uu Ku Faani Jiray Bruno Fernandes!

Rayan Cherki Oo Jabiyay Rikoor Uu Ku Faani Jiray Bruno Fernandes!

Rayan Cherki ayaa jabiyay rikoodh uu hore u haystay Bruno Fernandes, isagoo sameeyay taariikh cusub oo Premier League ah.

Khamiistii, xiddiga khadka dhexe ee Manchester City ayaa muujiyay bandhig cajiib ah kulankii Chelsea, taasoo sii xoojisay saamayntiisa kooxda.

Sida OptaJoe sheegtay, Cherki ayaa noqday ciyaaryahanka ugu badan ee hal xilli ciyaareed ku sameeya caawimooyin laba-gool ama ka badan afar kulan oo kala duwan tartamada oo dhan.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu ka sarre maray Bruno Fernandes oo isagu sameeyay saddex kulan oo noocaas ah xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale, Cherki wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gaara 10 caawin ka badan xilli ciyaareedkiisa ugu horreeya ee Premier League tan iyo Dimitri Payet oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2015-16.

Cherki wuxuu Manchester City kaga soo biiray Lyon sanadkii hore, wuxuuna si degdeg ah u noqday ciyaaryahan muhiim ah oo ka mid ah qorshaha Pep Guardiola.