Trump oo tirtiray sawirkiisa oo loo ekeysiiyay Ciise Masiix ka dib markii uu dhaleeceyn la kulmay
Isagoo wajahaya dhaleecayn sii kordhaysa, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u muuqda mid meesha ka saaray qoraal lagu muransan yahay oo uu soo dhigay barta Truth Social, kaas oo isaga ku muujinayay shakhsi la mid ah Nebi Ciise.
Sawirkan oo uu soo saaray garaadka macmalka ah (AI), ayaa muujinayay Trump oo u muuqda mid bogsiinaya nin buka oo jiifa sariirta cusbitaalka. Tani waxay dhalisay falcelin xooggan oo ka timid labada dhinac ee siyaasadda Maraykanka, oo ay ku jiraan xataa qaar ka mid ah taageerayaasha ugu daacadsan Trump.
Qoraalkan ayaa yimid saacado uun ka dib markii Trump uu soo dhigay farriin dheer oo uu ku weerarayo Baadari Leo XIV, kaas oo si weyn u dhaleeceeyay hawlgallada ciidan ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ka wadaan Iiraan.
Trump ayaa qirtay in sawirkaas la soo dhigay, isagoo saxafiyiinta u sheegay inuu u qaatay inuu yahay “isaga oo dhakhtar ah”.