Ururka Xisbullah oo Sheegay in ay weerareen 13 deegaan oo Israa’iil ku yaalla
Ururka Xisbullah oo Sheegay in ay weerareen 13 deegaan oo Israa’iil ku yaalla
Wadahadallada u dhexeeya Israel iyo Lubnaan ayaa wali socda.
Dhanka kale, kooxda Hezbollah ayaa sheegtay inay gantaallo ku beegsatay 13 degsmo oo ku yaalla waqooyiga Israel.
Kooxdu waxay sheegtay in weerarradaasi ay sii socon doonaan ilaa ay joogsadaan weerarrada ay ku tilmaantay kuwa Mareykanka iyo Israel.
Horaantii, afhayeen u hadlay ciidanka Israel (IDF) ayaa sheegay in ciidamada Israel ay filayaan koror ku yimaada weerarrada Hezbollah, xilli ay bilaabanayaan wadahadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israel ee ka socda Mareykanka.