Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Arteta Oo Tilmaamay Xiddiga Ay Ciyaartoyada Arsenal U Doorteen Kabtanka Champions League.

Arteta Oo Tilmaamay Xiddiga Ay Ciyaartoyada Arsenal U Doorteen Kabtanka Champions League.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxda ay u codeeyeen Declan Rice inuu xirto calaamadda kabtanka kulamadii ugu dambeeyay.

Arteta ayaa hadalkan sheegay kadib markii Gunners ay xaqiijiyeen inay gaareen semi-finalka UEFA Champions League, kaddib barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Sporting CP habeenkii Arbacada.

Iyadoo uu maqnaa Martin Odegaard, Rice ayaa hoggaamiyay kooxda kulankii ay 2-1 kaga adkaadeen Bournemouth ee Premier League usbuucii hore.

Khadka dhexe ee xulka England ayaa ka soo kabtay xanuun si uu kabtan uga noqdo kooxda kulankii Sporting, isagoo soo bandhigay ciyaar hoggaamineed oo xooggan sidii caadada u ahayd.