Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan oo sheegay in Dalkiisa uu diyaar u yahay in uu iska celiyo cadawga kusoo duulla

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan oo sheegay in Dalkiisa uu diyaar u yahay in uu iska celiyo cadawga kusoo duulla

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay iska difaacista cadawga kusoo duullay, waxaana uu tilmaamay in uu xitaa naftiisa u hibaynayo difaaca Dadkiisa iyo Dadkiisa.


Waraysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in dalkiisa dhinacyo kala duwan looga soo duullay, waxa uu bogaadiyay jawaabta dadkiisa ay ka bixiyeen oo sababtay in uu cadawga kala dhantaalmo kuna dhici waayo sii wadista dagaallada.


Ghalibaf ayaa intaas ku daray in uu dalkiisa aanay duullaan ku ahayn dal ama dhinac gaar ah balse iyaga lasoo weeraray sidaas awgeed ay ku qasban yihiin in ay iska difaacaan duullaankaas sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan oo haya xog badan oo la xiriirta qorshaha Maraykanka uu dalkiisa la damacsan yahay maadaama uu wakiil buuxda uu Tehran uga ahaa wadahadalkii fashilmay ee Islamabad ka dhacay ayaa dadkiisa ku dhiirrageliya in ay is difaacaan.