Chelsea Oo Raadinaysa Tababare Cusub, Filipe Luis Oo Hoggaaminaya Liiska Musharaxiinta
Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u billowday raadinta tababare cusub kadib markii ay shaqada ka ceyrisay Liam Rosenior, kaas oo kooxda joogay muddo kooban inkastoo uu haystay qandaraas muddo dheer ah.
Go’aankan ayaa yimid kaddib natiijooyin liita oo xiriir ah, iyadoo Chelsea ay la kulantay shan guuldarro oo isku xigta oo aan wax gool ah laga dhalin, taasoo hoos u dhigtay rajadooda u soo bixitaanka UEFA Champions League.
Macallinkii hore ee kooxda, Filipe Luís, ayaa haatan noqday musharaxa ugu cadcad ee xilkaasi, kadib guulo waaweyn oo uu la gaaray Flamengo, oo ay ku jiraan koobabka Copa Libertadores iyo Campeonato Carioca.
Dhanka kale, Calum McFarlane ayaa si ku-meel-gaar ah mar kale u haya shaqada tababarenimo, halka magacyo kale oo ay ka mid yihiin Andoni Iraola iyo Cesc Fàbregas ay sidoo kale ku jiraan liiska la tixgelinayo.
Chelsea ayaa hadda dooneysa inay hesho tababare cusub oo dib u dhis ku sameeya kooxda, si ay ugu soo laabato heerkeedii tartamada waaweyn.