Mas’uuliyiin Mareykan ah oo arriin aan laga fileyn ka sheegay awoodda milatariga Iiraan
Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in Iiraan ay leedahay awood militari oo ka xooggan tan uu si cad u qirtay maamulka Trump, sida ay werisay warbaahinta CBC News .
Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, oo soo xiganaysa saraakiil iyo ilo sirdoon, kala bar gantaalada ballistic-ga ah iyo nidaamyada gantaalada ee Iiraan ayaa weli yihiin kuwo xooggan.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in 60% ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.
Waxaa jira maraakiib dagaal oo yar yar oo si dhakhso ah u socda, Iiraanna waxay adeegsanaysaa doomahan si ay u weerarto maraakiibta jebisa xayiraadda saaran marin biyoodka Hormuz.
Sida laga soo xigtay warbixinta, ciidamada cirka ee Iiraan ayaa si xun u waxyeeleeyay weerarkii Mareykanka iyo Israa’iil, laakiin si buuxda looma burburin.
Saraakiil Mareykan ah oo codsaday inaan la aqoonsan, ayaa u sheegay CBS News in saddex meelood laba meel ciidamada cirka ee Iiraan ay weli shaqeynayaan.