RW Netanyahu oo shaaciyey in laga helay cudurka Kansarka
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si rasmi ah u shaaciyay in laga helay kansarka qanjirka borostaatada (prostate cancer) oo ku dhacda kaadi heysta, arrintaas oo si weyn u soo jiidatay indhaha warbaahinta iyo bulshada caalamka.
War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in baaritaanno caafimaad oo uu maray Netanyahu kadib lagu ogaaday xanuunka kansarka qanjirka borostaatada, iyadoo dhaqaatiirtu ay haatan wadaan qiimeyn dheeraad ah oo la xiriirta heerka cudurka iyo nooca daaweynta uu u baahan karo.
Ilo caafimaad ayaa sheegaya in kansarka borostaatada uu yahay mid inta badan ku dhaca ragga da’doodu sareyso, waxaana xaaladdiisa caafimaad si dhow ula socda kooxdiisa caafimaad iyo mas’uuliyiinta dowladda Israa’iil.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin heerka uu marayo cudurka, in uu ku faafay xubno kale iyo in kale, ama haddii Netanyahu uu mari doono qalliin, shucaac ama daaweyn kale.
Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli Netanyahu uu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo mid amni oo gudaha iyo dibadda ah, gaar ahaan xaaladaha dagaalka iyo xiisadaha gobolka ee weli taagan.
Mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah ayaa sheegay in xaaladdiisa caafimaad aysan hadda saameyn ku yeelan doonin shaqadiisa dowladeed, inkastoo warbaahinta gudaha ay si dhow ula socoto wixii kasoo kordha xaaladdiisa caafimaad.