Maxay Man United U Baahantahay Si Ay U Xaqiijiso U Soo Bixitaankeeda Champions League.
Kooxda Man United waxa ay si aad ah ugu dhowaaday inay xaqiijiyaan booska UEFA Champions League, kadib guul 2–1 ah oo ay ka gaareen Brentford habeenkii Isniinta.
Red Devils ayaa sidoo kale 1–0 kaga adkaaday Chelsea kulankoodii hore, taasoo ka caawisay inay ka fogaadaan kooxaha kale ee u tartamaya shanta boos ee ugu sarreeya.
Kulankii ay la ciyaareen Brentford, waxay hogaanka ku qabteen gool madax ah oo uu dhaliyay Casemiro.
Benjamin Sesko ayaa dheereeyay farqiga ka hor nasashada, iyadoo kooxda uu hoggaaminayo Michael Carrick ay si buuxda gacanta ugu dhigtay ciyaarta.