Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

QM, Midowga Yurub & UK oo si isku mid ah usoo dhaweeyay gogosha MW XSM uu u dhigay GMS

QM, Midowga Yurub & UK oo si isku mid ah usoo dhaweeyay gogosha MW XSM uu u dhigay GMS

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa isku mid ah usoo dhaweeyay gogosha Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu 10ka Bishaan u fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya si looga hadlayo xaaladda Dalka & arrimo kale oo masiiri ah.

War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNTMIS ayaa lagu soo dhaweeyay Gogoshaas, waxaana Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka loogu baaqay in ay diiradda saaraan natiijo dhaxal-gal u noqon karta mustaqbalka Dalka.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay dhinac taagan yihiin hannaanka lagu gaarayo natiijo togan, waxaana dhinacyada wadahadlaya waa Dowladda iyo Mucaaradka loogu baaqay in ay diiradda saaraan qodobada muhiimka ah.

“Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha Dowladda Federaalka ay u dhigtay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, wadahadalka waa halka lagu gaari karo horumarka, waxaana rajaynaynaa in diiradda la saaro”.

Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska UNTMIS.

Dhanka Midowga Yurub, waxa uu ururkaas soo dhaweeyay gogoshaas, waxa uu ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh xasiloonida Mustaqbalka Soomaaliya iyo saldhigista Siyaasadda Dalka waa haddii dhabbaha wanaagsan loo raaco.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhankeeda marxabaysay gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay Mucaaradka gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxa ay UK Xustay in ay garab taagan tahay qabsoomidda wadahadalkaas sida uu sheegay Danjiraha Dalkaas ee Soomaaliya, Charles King.

“Waxaan soo dhaweynayaa casumaadda DFS ee Ku saabsan Kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, Xiligaan xasaasiga ah wadahadalka waa habka ugu wanaagsan ee lagu xoojin karo xasiloonida”.

Sidaasi waxaa yiri Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King

10ka May 2026 waa Axadda Todobaadka dambe waxaana indhaha lagu hayaa sida uu u qabsoomo wadahadalkaas, haddii Mucaaradku aqbalo iyo haddii uu diidaba, waxaa dhashay hadal hayn la xiriirta gogoshaas uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.