Maraykanka oo ku guuldaraystay in uu si awood ah u gudbiyo Maraakiibta ku xayrian Marinka Hormuz
Maamulka Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku fashilmay in uu si awood ah u gudbiyo maraakiibta ku xayiran marinka Hormuz kuwaas oo wada shidaal isla markaana saamayn ku reebtay colaadda Bariga Dhexe.
Ilo kala duwan ayaa ku warramay in codsi Maraykanka uu u diray oo ahaa in ay galbiyaan maraakiibtooda dagaalka ay ka diideen maadaama ay ka cabdadeen in ay Iiraan Weerarto halkaasina uu kasoo gaaro khasaara kala duwan.
Qiimaha shidaalka dunida oo muddooyinkii dambe ku xirnaa xiisadda siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqa Maraakiibta waa mid deggen balse waa waa suuragal in uu waqti weliba uu is baddelo mar haddii Maraakiibtii waday socodkooda uu yaraaday. Iiraan oo jawaab ka heshay Mareykanka
Iran ayaa sheegtay in ay Mareykanka ka heshay jawaab ku aadden hindise nabadeed oo ay soo jeedisey si xal looga gaaro dagaalka u dhexeeya labadal, sida ay baahisay warbaahinta ku xiran dowladda Iraan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, ayaa sheegay in jawaabtaas oo la soo mariyey Pakistan, haddana lagfa baaraandagayo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim.
Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Washington ay heshay soo jeedinta ugu dambeysay ee nabadeed ee Iran, islamarkaana ay hoos u eegi doonaan. Wuxuuse saluugey dalabaadka Iraan oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.