Iiraan oo ku goodisay in ay iska dhicin doonto Maraykanka & Isbahaysigiisa haddii ay markale weeraraan
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ay si dhow uga warqabto abaabulka Maraykanka, Israa’iil iyo Dhinacyada kale garabka siinaya, waxa ay ku goodisay in ay jawaab degdeg ah ka bixinayso haddii markale ay kusoo duullaan dhulkeeda.
Saraakiil katirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in marweliba ay ka feejigan yihiin duullaanka isbahaysigaas dalkooda cadawga ku ah uu soo qaadi karo maadaama ay jiraan ballamo horay oo ay ka baxeen.
Iiraan ayaa dhowaan soo bandhigtay hub casri ah iyo diyaaradaha aan duulliyaha wadin ee Drones-ka loo yaqaan kuwaas oo qayb wayn ka qaataan duqaymaha Dalalka iyo Maraakiibta ku dhow marinka Hormuz, waxa ay xustay in ay dagaal diyaar u tahay.