Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

MW Iiraan oo Shacabkiisa ugu baaqay in ay adkaystaan maadaama ay ka guullaysteen cadawga kusoo duullay

MW Iiraan oo Shacabkiisa ugu baaqay in ay adkaystaan maadaama ay ka guullaysteen cadawga kusoo duullay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa Shacabkiisa ugu baaqay in ay xoojiyaan garab istaagga Dowladdooda oo wajahaysa culays xooggan oo uga imaanaya Dalalka reer Galbeedka oo Maraykanka iyo Israa’iil ugu tunka wayn yihiin.

Masoud ayaa xusay in ay Iiraan adkaysatay kana guulgaartay cadawgeeda maadaama uu gaari waayay hadafkii uu kusoo duullay waa sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas kusii daray in ay ka warqabaan shirarka ka dhanka ah Tehran ee socda.

Isbaddel dhinaca Maciishadda ah ayaa ka jira suuqyada Dalka Iiraan sababo lala xiriirinayo inay Tehran go’doon culus kala kulantay Maraykanka, Israa’iil iyo Dalalka kale ee Isbahaysiga la ah kuwaas oo si dadban ula shaqaynaya waa sida uu yiri.