Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Baydhabo u tagay abaabul dagaal.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Baydhabo u tagay abaabul dagaal.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu uga billaabay safar shaqo oo la xiriira xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah AS.

Ujeedka safarka Taliyaha ayaa ah sidii loo xoojin lahaa gulufka militari ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, loona adkeyn lahaa amniga guud ee gobolka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollada.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa inuu kulamo muhiim ah la yeesho madaxda ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada, kuwaas oo diiradda lagu saari doono dardargelinta howlgalada socda, xasillinta deegaannada laga saaray AS, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo ciidamada ay guulo muuqda ka gaareen furista waddooyin istiraatiiji ah iyo burburinta fariisimo ay AS  ku lahaayeen deegaanno dhowr ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu saacadaha soo socda faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo kulamada gaarka ah ee Taliyuhu la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka deegaanka.