Tacshiirad dhimasho sababtay oo ka dhacday agagaarka Aqalka Cad
Reuters ayaa ku warrantay in nin hubeysan uu ku dhintay iska hor imaad rasaas ah oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo ninkaas meel ku dhow aqalka cad ee magaalada Washington.
Warbixinta ayaa sheegtay in dhacdadan ay dhacday xilli ciidamada ammaanku ay heegan sare ku jireen, kadib markii la helay xog la xiriirta nin looga shakiyay inuu hub wato islamarkaana ku sugnaa agagaarka Aqalka Cad.
Saraakiisha ammaanka ayaa la sheegay inay isku dayeen inay ninka la hadlaan oo ay xakameeyaan, balse xaaladdu si degdeg ah ayay isu beddeshay kadib markii uu rasaas furay.
Sida ay sheegtay hay’adda Secret Service, ciidamada ayaa rasaas celin sameeyay, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban oo xooggan. Ninkii la tuhunsanaa ayaa dhaawac culus kasoo gaaray rasaasta, waxaana markii dambe la xaqiijiyay inuu geeriyooday. Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin magaca ninkaasi iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay falka uu sameeyay.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in ciidamada ammaanka ee ka howlgala agagaarka Aqalka Cad ay si dhaqso leh u xireen waddooyin dhowr ah oo ku dhow goobta dhacdadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo ammaanka loogana hortago khatar kale oo suuragal ah. Dadkii ku sugnaa deegaanka ayaa lagu amray inay ka fogaadaan goobta inta baaritaannadu socdaan.