Rag kufsi ku eedeysan oo lagu soo bandhigay Laascaanood
Ciidamada Booliska ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo loo haysto inay ku lug leeyihiin fal kufsi wadareed ah, halka nin lixaad oo lala xiriirinayo kiiskaasi uu weli baxsad yahay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaanno ay sameeyeen laamaha amniga, kuwaas oo la xiriiray dhacdo kufsi ah oo ka dhacday magaalada Laascaanood 23-kii May 2026, taas oo lagu eedeeyay in gabadh kasoo jeeda deegaanka loo geystay falkaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan Qaybta Gobolka Sool, ayaa lagu yiri:
“Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta ammaanka, badqabka bulshada iyo sugidda caddaaladda, ayaa ku guulaystay dabagal ay ku sameeyeen fal-danbiyeed kufsi ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 23 May 2026.
Howlgalkaasi kadib, Ciidanka Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen shan (5) eedaysane oo loo haysto kiiskaasi, halka hal eedaysane oo kale uu weli baxsad yahay, isla markaana ay ku raadjoogaan laamaha ammaanku.”
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabay:
Maxamed Cabdi Ismaaciil Faarax, ina Farduus Xasan Saalax, 28 jir
Sharmaake Cabdi Cali Cabdilaahi, ina Safiya Daahir Obsiiye, 22 jir
Sahal Maxamed Cabdi Samatar, ina Deeqa Axmed Ducaale, 22 jir
Axmed Cabdiqaadir Ashkir, ina Muxubo Jaamac Ciise, 24 jir
Cabdicasiis Jaamac Shire, ina Yurub Kaariye Bulaale, 21 jir
Maqane Cabdiraxmaan Maxamed Muuse Warsame, oo weli baxsad ah
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhibbanaha kiiskan ay tahay muwaadinad reer Waqooyi Bari ah, isla markaana kiisku uu yahay mid si toos ah u taabanaya ilaalinta sharciga iyo ammaanka guud ee deegaanka.
Boolisku waxay sheegeen in baaritaannadu ay weli socdaan, ayna bulshada la wadaagi doonaan warbixin dhammaystiran marka ay soo gabagaboobaan.
“Eedeysanayaasha gacanta lagu hayo waxaa sida ugu dhakhsiyaha badan loogu gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo habraaca sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ciidanka Boolisku waxay bulshada ku wargeliyeen in aysan jirin war rasmi ah oo ka horreeyay kan, isla markaana dhammaan wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee aan kasoo bixin hay’adaha amniga ay yihiin kuwo aan xaqiiqo ku dhisnayn, ayna carqaladeyn karaan hannaanka caddaaladda iyo shaqada laamaha ammaanka.