Qaramada Midoobeey oo dhaqaale ku taageeraysa Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ugu deeqday 10 milyan oo doollar oo gargaar degdeg ah si looga hortago khatarta macluusha loona taageero qoysaska ay saameeyeen cunno yarida iyo abaaraha.
War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 6 milyan oo qof ay wajahayaan xaalado cunno yari ah, halka 1.9 milyan oo kamid ah dadkaas ay ku sugan yihiin heerar degdeg ah oo u baahan gargaar bani’aadamnimo oo aan dib loo dhigi karin.
Madaxa Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada, Tom Fletcher, ayaa sheegay in 10-ka milyan ee doollar ee laga sii daayay sanduuqa gurmadka degdegga ah ay gacan ka geysan doonaan badbaadinta malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya.
“Waqtiga lagu hortagi karo macluusha Soomaaliya waa mid kooban,” ayuu yiri Tom Fletcher, isaga oo xusay in mudnaanta koowaad ay tahay bixinta adeegyada nafaha lagu badbaadiyo sida cunnada, nafaqada, daryeelka caafimaadka iyo helitaanka biyo nadiif ah.
Wufuud ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa hore u booqday xeryaha barakacayaasha iyo deegaanno ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo ku baaqay in la kordhiyo taageerada dhaqaale si loo gaarsiiyo gargaar dadka ay dhibaatadu saameysay.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in haddii aan si degdeg ah loo kordhin taageerada bani’aadannimo, ay sii xumaan karto xaaladda cunno la’aanta ee ka jirta Soomaaliya.