Israa’iil oo qiratay in saraakiil muhiim u ah ay uga geeriyoodeen dagaalka Lubnaan
Maamulka Israa’iil ayaa qirtay in saraakiil muhiim ah ay uga geeriyooday dagaalka ay ka wadaan Dhulka Lubnaan ee dhaca ee dhaca xad beenaadka maamulkaas uu la wadaago waddankaas sida uu ku warramay madaxda Israa’iil, Isaac Herzog.
Weerar qorsheysan oo jawaab u ahaa xadgudubka Israa’iil ee ku salaysan damaca Dhul-ballaarsiga ah ay ka waddo Lubnaan ayaa sababay in la qarxiyo mid kamid ah taangiyadii iyo kolonyadii la socotay saraakiisha la dilay.
Taliye guuto iyo saddex askari oo ilaalo u ahayd ayuu Madaxweynaha Israa’iil sheegay in looga dilay Dagaalkaas, waxa uu ku tilmaamay in maanta ay murugo weyn u taallo maadaama sarkaalkaas iyo saraakiil kale oo ka derajo hoosaysa ay waayeen.
Lt. Col. Dor Gedalia Ben Simhon oo ahaa taliyaha guutada 52aad ee ciidanka Israa’iil ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday weerarka Xisbullaahi oo jawaab u ahaa xadgudubka xarga goystay ee Yuhuudda ku hayso Koofurta Lubnaan.