Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Heshiiskii ku dhawaaday in ay ku kala tagaan Maraykanka & Iiraan balse ugu dambayn qallinka lagu duugay

Heshiiskii ku dhawaaday in ay ku kala tagaan Maraykanka & Iiraan balse ugu dambayn qallinka lagu duugay

Maraykanka iyo Iiraan ayaa ugu dambayn gaaray heshiis kale oo gogol-xaar u noqonaya in mid dhammaystiran mustaqbalka ay wadagaaraan, waxa uu mar ku dhawaaday in ay ku kala tagaan kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu soo dhigay qoraal xaalad halis ah abuuray.

Iiraan ayaa shuruud ku xirtay in heshiiskaas ay la gasho Maraykanka maadaama hadal ka duwan heshiiskaas uu bartiisa xiriirka Bulshada uu kusoo qoray Madaxweyne Donald Trump, balse waqti kooban kaddib Tehran ayaa lagu qanciyay in ay heshiiska sii waddo.

Dhexdhexaadiyaasha ayaa ku guulaystay in aan lagu kala tagin xarunta wadahadalka iyada oo aanay dhicin heshiis ugu yaraan isu soo dhaweynaya Dowladahaan dagaalamay billowgii sannadkaan waa Maraykanka iyo Iiraan.

Iiraan iyo Maraykanka ayaa ku ballamay in la sameeyo khad isku xiraya labada dhinac si meesha looga saaro u kala tarjumidda siyaasadeed ee keeni karta in markale ay dib usoo laabtaan colaadda heshiiska hordhaca ah hadda laga gaaray.

Waxaa la arkayay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo aad uga naxsan markii la ogaaday in Donald Trump uu soo dhigay qoraal ay aad u dhibsatay Xukuumadda Iiraan kuna dhawaatay in ay isaga baxdo inkasta oo markii dambe laga qanciyay.

Iiraan ayaa fursad u helaysa dhoofinta shidaalkeeda iyo walxaha kale ee loo adeegsado sifaynta shidaalka Cayriinka ah mar haddii laga qaaday cunaqabatayntii muddo dheer saarnayd Dalkaas sababo ka dhashay heshiiska qodobadii lagu dhex xusay.