Monday, July 27, 2026
HomeSPORTSOpta SuperComputer Oo Saadaalisay Xulalka U Gudbi Doona Wareegga Siddeedda ee Koobka...

Opta SuperComputer Oo Saadaalisay Xulalka U Gudbi Doona Wareegga Siddeedda ee Koobka Adduunka 2026.

Opta SuperComputer ayaa soo saartay saadaasheedii ugu dambeysay ee ku saabsan xulalka u badan inay u gudbaan wareegga siddeedda (Quarter-finals) ee Koobka Adduunka 2026, kadib markii la soo gabagabeeyay dhammaan kulamadii wareegga 32-ka.

Wareegga 16-ka ayaa la filayaa inuu noqdo mid aad u adag, iyadoo ay isaga hor imanayaan xulal waaweyn oo dunida ka tirsan. Kulamada la ciyaari doono ayaa kala ah:

Argentina vs Masar
Switzerland vs Colombia
Portugal vs Spain
Maraykanka vs Belgium
Morocco vs Canada
Paraguay vs France
Brazil vs Norway
Mexico vs England
Marka loo eego saadaasha Opta SuperComputer, France ayaa ah xulka ugu cadcad ee loo saadaaliyay inuu u gudbo wareegga siddeedda, iyadoo la siiyay 86.09% fursad.

Waxaa ku xiga Argentina oo haysata 78.90%, halka Brazil loo saadaaliyay 65.12%, Morocco 63.74%, iyo Spain 62.16%.
Dhanka kale, England ayaa haysata 54.57% fursad ay ku gaarto wareegga xiga, Colombia 52.92%, halka Maraykankana loo saadaaliyay 50.26%.

Inkastoo saadaashani ay ku saleysan tahay xog ururin ballaaran iyo malaayiin isku-day oo ay sameyso Opta SuperComputer, natiijooyinka rasmiga ah waxaa lagu go’aamin doonaa garoomada, halkaas oo xulal badan ay rajeynayaan inay sii wataan socdaalkooda Koobka Adduunka 2026.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments