Turkiga oo sheegay in ay ka feejigan yihiin duullaan weliba oo uga imaan kara Israa’iil
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay duullaan weliba oo uga imaan kara dhinaca Israa’iil maadaama maamulkaas uu ku caanbaxay in uu marba dhinac ku duullo dalalka Islaamka sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas, Hakan Fidan.
Waraysi uu siiyay Teleefishinka CNN Turk waxa uu Fidan ku shaaciyay in ay had iyo jeer ka feejigan yihiin duullaan gaadmo ah oo uga imaan kara dhinaca Israa’iil si lamid ah Dalalkii ay horay u weerartay sida uu hadalka u dhigay.
Awoodda Ciidanka Turkiga & Hubka casriga ah ee muddooyinkii dambe soo bandhigaysay Turkiga ayuu xusay inay ku dagaal geli karaan, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in aanay indhaha sirdoonkooda marnaba ka libirsan dhinaca Israa’iil.
“Ma jirto sabab aan uga cabsano Israa’iil iyo cid weliba oo khatar ku noqota qarankeenna, Keliya turkiga halis kuma ahan ee dunida oo dhan ayay ku tahay caqabad amni” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan.
Marar kala duwan waxaa bannaanka usoo baxay warar sheegaya in Israa’iil ay damacsan tahay in ay beegsato Turkiga marka ay kasoo jeysato Iiraan, Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen gacanta ku haysata, xitaa haddii ay dhinacyadaas guul ka gaari waysay ay faafin doonno colaadda.