Trump oo Turkiga siinaya Diyaaradaha F-35
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ku wajahan Dalka Turkiga si uu uga qaybgalo shirka madaxda NATO ayaa la sheegay in uu dalkaas u ogolaaday in uu helayo Diyaaradaha Dagaalka ee F-35 oo muddo ay Ankara raadinaysay.
Sida uu ku warramay Wargayska New York Times, Madaxweyne Trump ayaa Dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogen ku wareejin doonna Diyaaradahaas oo muddo laga hor taagnaa in laga iibiyo dalkaan xuddunta u ah Isbahaysiga NATO.
Trump oo dhawaan ka hadlay safarkiisa Turkiga iyo kulanka uu la leeyahay Erdogan waxa uu xusay in uu siin doonno hadiyad uu ku farxo balse si toos ah uma sheegin inkasta oo uu Wargaysku sheegay in haddiyaddaas ay tahay F-35.
Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay xoogga saaray dhinaca farsamada Militariga, waxa uu soosaartay diyaarado nooca aan duulliyaha lahayn oo awood dheeraad ah leh iyo qalab kale oo dalal badan ay doonayaan in ay kasii iibsadaan.