Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Iiraan oo weeraro ku qaaday saldhigyo milatari oo uu Mareykanka ku leeyahay Baxrayn

Iiraan oo weeraro ku qaaday saldhigyo milatari oo uu Mareykanka ku leeyahay Baxrayn

Kacaanka Iiraan ayaa sheegey in ay beegsadeen 85 goobood oo ka mid ah saldhigyada Mareykanka ee Baxrayn & Kuweyd, ka dib duqaymihii Mareykanka ee Iiraan


Ciidanka Iran ayaa shaaciyay in ay bartilmaameedsadeen xsaldhigga Maraykanka ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.
Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka ayaa sheegtay, in weerarradan ay jawaab u ahaayeen “duullaanka cadowga Maraykanka ee ka dhanka ah goobaha militari iyo rayid ee koonfurta dalka iyo jebinta qodobbada Qodobka 14-aad ee Heshiiska Is-afgaradka ah.”


Bayaan ay soo saareen ciidanka Iran, ayay ku sheegeen in weerarradan ay u adeegsadeen “diyaarado aan duuliye lahayn” kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday “goobaha ay ku urursan yihiin ciidamada Maraykanka ee cadowga ah” ee ku yaalla saldhigga Sheekh Ciise.


Ciidanka Iran, iyagoo ka digaya “cawaaqibka ka dhalan kara jebinta xabbad-joojinta,” ayaa sheegay in “dhammaan saldhigyada Maraykanka ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah oo lagu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidanka.”


Weeraradan militari ee Iran ayaa yimid saacado kadib markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ay ku dhawaaqeen, in ay weerareen 85 bartilmaameed militari oo xiriir la leh Maraykanka oo ku yaalla Baxrayn iyo Kuwait, iyagoo sheegay in ay tani jawaab u ahayd weerarro Maraykanku ku qaaday tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla koonfurta Iran.