Maxaa ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada XFS?
War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay arrimaha diirada lagu saarey shirka Golaha Wasiirrada ee toddobaadlaha ah.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Niño oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Hey’adda SoDMA.
Golaha ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda Soomaaliya u diyaar garoobaan khatarta El nino, iyadoo la ilaalinayo nolosha shacabka, Beeraha iyo Xoolaha.
Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay
Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.
Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa (2026- 2030).