Ilaalada Kacaanka Iran oo weerar ku qaaday Maraakiib mareysay Hurmuz, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka Iran iyo Mareykanka
Ilaalada Kacaanka Iran oo weerar ku qaaday Maraakiib mareysay Hurmuz, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka Iran iyo Mareykanka
CENTCOM ayaa sheegtay in hawlgal socday shan saacadood lagu beegsaday “bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abuu Muusa iyo Bandar Cabbaas,” iyadoo ujeeddadu ahayd in la wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga.
Iiraan oo weerartay xaruun dayax-gacmeed iyo saldhig Mareykanku leeyahay
Ciidanka Urdun ayaa saaka ku dhawaaqay inay soo rideen afar gantaal oo laga soo tuuray Iiraan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in Iiraan ay mar walba ahayd, welina ahaan doonto, ilaaliyaha marin-biyoodka Hormuz. Waxa kale oo uu ku dooday in Iiraan ay arrintan u maareyn doonto si caddaalad ah.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabi doono go’doomin badeed oo ka dhan ah Iiraan isla markaana uu saari doono canshuur dhan 20% dhammaan maraakiibta iyo xamuulka mara marinka Hormuz.