Monday, July 27, 2026
HomeWARARKAMaxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dirradda lagu saarey xaaladda guud ee dalka, iyagoo sameeyay magacaabis iyo xilka qaadis.

Ugu horreyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, sida uu dhigayo Qodobka 145aad ee Dastuurka Federaalka 2026.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah: Maxamed-deeq Macalllin Aadan, Maryan Sheekh Cismaan, Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil iyo Cabdiqaadir Cali Macallin.

Sidoo kale, Golaha Sare ee Garsoorka dalka ayaa waxaa kamid noqon doona Xubno aan ku imaan Magacaabis sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka , Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale golaha ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, waxayna xilkaas u magacaabeen Mudane Maxamuud Axmed Jimcaale.

Ugu dambayn Golaha Wasiirrada XFS,ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farxashanka iyo Heshiis u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Cummaan kaasi oo diirrada saaraya iskaashiga Gaadiidka Cirka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments