Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Cambaareeyay Warqaddii Golaha Mustaqbalka ay u Direen Beesha Caalamka
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay warqaddii uu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u diray beesha caalamka, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawici karta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Qoraal uu bartiisa X ku daabacay siyaasiga Abdiwahab Sheikh Abdisamad (@AbdiwahabSheik7) ayuu ku sheegay in awoodda siyaasadeed ay tahay mid ku meel gaar ah, halka qarankuna uu yahay mid waara.
Wuxuu yiri:
“Power is temporary. The nation is permanent. Any opposition willing to undermine Somalia’s sovereignty and territorial integrity to score political points is gambling with the future of the republic itself.”
Abdiwahab ayaa sidoo kale xusay inuusan taageere u ahayn Madaxweynaha Soomaaliya, balse uu aaminsan yahay in mucaaradnimadu aysan noqon mid wax u dhimaysa jiritaanka dowladnimada iyo qarannimada dalka.
Wuxuu intaas ku daray:
“I’m not a fan of HSM. Fight the government if you must, but never fight the state.”
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay Golaha Mustaqbalka inay dib uga laabtaan warqadda ay u direen beesha caalamka, isagoo yiri:
“Withdraw the letter now for the sake of your state and future generations.”
Warqadda Golaha Mustaqbalka ayaa maalmahan dhalisay dood iyo falcelin kala duwan oo ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.