Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Muxuu yahay heshiiska ay wadagalayaan Sacuudiga, Turkiga & Pakistan?

Muxuu yahay heshiiska ay wadagalayaan Sacuudiga, Turkiga & Pakistan?

Dalalka Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa maanta samaysanaya isbahaysi cusub sida ay ku warrameen ilo ku kala sugan Riyadh, Ankara & Islamabad oo Warbaahinta xogtaan u gudbiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka Dalkiisa, Asim Munir iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa kulan la qaadanaya Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddibna saxiixi doonna heshiiskaas.

Heshiiskaan ayaa muddo sannad ah marba heer soo gaarayay iyada oo ugu dambayn hadda qallinka lagu duugi doonna, waxaana indhaha ku haya Dalal badan oo isbahaysigaan saamayn taban iyo mid togan ku yeelan kara.

Sacuudi Carabiya waxa uu kamid yahay Dalalka Carbeed ee Shidaalka dhoofiya isla markaana saaxiibka la ah Maraykanka iyada oo dhawaan Washington ay si dadban uga noqotay heshiis u ogolaanayay in ay samaysato Hub Nukliyeer ah.

Turkiga waa xubin katirsan Isbahaysiga NATO waxaana sanadihii u dambeeyay uu kaalin firfircoon ku lahaa horumarka dhinaca Militariga, Waxsoosaarka iyo Siyaasadda iyada oo Ankara ay xoojinayso isbahaysiga ay samaysan karto.

Pakistan waa Dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hubka Nukliyeerka ah, waxa uu door firfiroon ka qaataa marka Maraykanka ay ku adkaato xaaladaha Bariga Dhexe uu ka raadiyo hannaan suuragalinaya in wadahadal la dhaliyo.