Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maamulka Aadan Madoobe oo dareemaya culays Amni

Maamulka Aadan Madoobe oo dareemaya culays Amni

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni kaddib markii Magaalada Baydhabo ay noqotay bartilmaameedka ciidamo la sheegay in ay ka amar-qaataan maamulkii ka horreeyay.Astronomy

Duleedka iyo qaybo kamid ah Magaalada Baydhabo waxaa dhowr jeer ka dhacay isku dhacyo dhexmaray ciidamada ka diiwaangashan Maamulka talada Koofur Galbeed haya iyo kuwo ka amar-qaata Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen.

Ciidamada weerara Baydhabo ee hoostaga Laftagareen ayaa u abaabulan sidii jabhadda oo kale, dhowr jeer oo ciidanka Federaalka iyo kuwa daraawiishta Koofur Galbeed ay sameeyeen howlgallo ka dhacay duleedka Magaaladaas iyaga oo halkaas isku farasaaray.

Saraakiisha Amniga ee Koofur Galbeed iyo kuwa Federaalka ayaa kulamo la xiriira sidii culayska ciidan looga fogayn lahaa Magaalada Baydhabo ka yeeshay arrintaasi, waxaa la go’aamiyay dhowr qodob oo la xiriira adkaynta nabadgalyada & kahortagga kooxaha hubaysan.

Mas’uuliyiin katirsanaa Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku goodiyay in ay ka go’an tahay dib u qabsashada Magaalada Baydhabo inkasta oo ay qaadeen weerarro waqtiyo kooban u dhacay balse uma suuragalin in ay saldhigaan goobahaas ay weerareen.