Hoggaamiye Aadan Madoobe oo kormeeray furimaha hore ee laga sugo Amniga magaalada Baydhabo
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta kormeeray xeyaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka ee suga Amniga magaalada Baydhabo.Astronomy
Aadan ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada, isagoo dhageystay warbixinno la xiriira howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.
“Ciidamada Gorgor iyo dhammaan askarta kale ee ciidamada waxaan ku ammaanaya sida ay uga hortageen ciidamada weerarka ku soo qaaday Baydhabo, waxaad ka furateen hubkii ay wateen” ayuu yiri Hoggaamiye Aadan Madoobe.
Isagoo sii hadlaya Hoggaamiye Aadan ayaa Ciidamada faray in ay sii dardar galiyaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan Amniga magaalada Baydhabo iyo Deegaannada hoos yimaada.
Aadan Madoobe ayaa 22kii bishaan Agoosto dib ugu laabtay magaalada Baydhabo oo ay weerar ku soo qaadeen AS iyo Maleeshiyaad la sheegay in ay taabacsan yihiin Hoggaamiyihii hore ee Maamulkaasi, Cabdicasiis Laftagareen.