Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Koox aan la aqoonsan oo Magaalada Baladweyne Afduub ka gaysatay

Koox aan la aqoonsan oo Magaalada Baladweyne Afduub ka gaysatay

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa maanta lagu afduubtay Maamulaha xarun lagu tababaro Macallimiinta, waxaana la aqoonsan kooxdii afduubkaas gaysatay.Time & Calendars

Kooxda ayaa la sheegay in ay qafaalatay Xasan Cali Cabdikariin oo ku magac dheer Xasan Good Cali, waxaana arrintaas ka dhashay hadal hayn Bulshado dhexdheeda ah maadaama aan la garanayn kooxdii afduubka gaysatay, sababta ka dambaysa iyo halka lala aaday.

Inta badan afduubka dadka waxa uu salka la galaa isqabqabsiga Beelaha inkasta oo aan la shaacin xiriirka ka dhaxeyn kara kiiskaan iyo kiisaskii horay uga dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Ma jiro war kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Magaalada Baladweyne, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, waxaa socda dedaallo lagu raadinayo halka lala aaday Xasan Cali Cabdikariin sida ay sheegeen ilo kala duwan.