Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Mareykanka oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Mareykanka oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Mowqifka Mareykanka ee ku aaddan Somaliland ayaa weli ah mid aan isbeddelin, iyadoo Mareykanku si rasmi ah u aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya oo dhan.

Inkasta oo Israa’iil ay Somaliland u fidisay aqoonsi, haddana ma jirto dowlad kale oo sidaas oo kale u aqoonsatay.

Guud ahaan, waxaa la aaminsan yahay in dalalka reer Galbeedku aysan haysan dano istiraatiiji ah ama diblomaasiyadeed oo ku filan oo ay Somaliland ugu aqoonsadaan dal madax-bannaan. Somaliland waa gobol waqooyiga Soomaaliya ah oo isku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya, balse aan weli haysan aqoonsi caalami ah.