Madaxwayne Qoor Qoor oo ciidamo duldhiga guriga gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, xilli la doonayay in dib loo furo kal fadhiga baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedaynaya Madaxwayne Qoor qoor in uu xabsi guri galiyay gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug, kadib kalfadhi uu iclaamiyay gudoonka baarlamaanka oo lagu waday in uu qabsoomo.
Lama garanayo sababta madaxwaynaha tanasulay ee xilka ka siidagaya uu arrintaasi sharci darada ah ugu dhaqaaqay, balse ilo wareedyo ku dhaw gudoomiyaha ayaa sheegaya in kalfadhiga la qaban rabay uu ahaa mid looga hadlayo ayidaada go’aankii Maxkamada ay dhawaan soo saartay iyo arrimo kale.
Ciidamo hubaysan ayaa buux dhaafiyay xarunta baarlamaanka oo sidoo kale uu ku yaalo hoyga gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana xitaa la diiday raashin loo soo waday guriga gudoomiyaha kaas oo bishiiba mar la dalbo.
Lama oga in arrintaan uu ku dhaqaaqay Madaxwaynaha xilka ka sii dagaya ay la og yihihiin mas’uuliyiinta DFS iyo in kale, waxaase loo arkaa talaabo aan u wanaagsanayn masiirka Galmudug.