Ciidanka dowladda oo howlgalo ka wada deegaano ku dhow Basra.
Ciidanka amniga Soomaaliya ayaa weli wada howlgallo ka dhan ah kooxaha hubeysan oo ka socda deegaannada ku dhow Basra, oo ku yaalla xuduudda u dhexeysa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay horumar ka sameeyeen howlgalka, iyadoo ciidamada dhulka iyo kuwa cirka ay qeyb ka yihiin howlgallada socda.
Goor hore oo maanta ah ayaa deegaanka laga maqlay duqeymo culus oo loo maleynayo inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, F-16, kuwaas oo taageeraya howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgaladu weli socdaan, iyadoo sheegtay in marka ay soo gabagabeeyaan marxaladda hadda lagu jiro ay warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada howlgalka.
Deegaannada ku dhow Basra ayaa muhiimad gaar ah u leh amniga caasimadda Muqdisho, maadaama ay isku xiraan qaybo ka tirsan saddex gobol, isla markaana ay yihiin marinno muhiim ah oo dhanka Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay sidii ay ula wareegi lahayd gacan ku haynta deegaannadan. Hase yeeshee, dhowr isku day oo hore oo lagu doonayay in lagu qabto ayaa fashilmay, iyadoo ciidamadu ay hadda wadaan howlgal cusub oo ay ku doonayaan inay si joogto ah ugu sugaan amniga deegaanka.