Magaalada Muqdisho oo ka go’ay Gaaska Cuntada lagu karsado
Magaalada Muqdisho waxaa ka go’ay Gaaska Cuntada lagu karso iyada oo inta yar ku hartay goobaha lagu iibiyo la kala siinayo qiimo ka badan lacagihii la iibinayay maalmo kahor sida aan ku ogaanay xog baaris aan samaynay.
Haanta Gaaska ah ee 13 Kiilo ah waxaa maalmo kahor la iibinayay $24, halka haatan la kala siinayo lacag gaaraysa $34 waana suuragal in qiimaha uu intaas ka bato sida ay sheegeen Ganacsatada iibisa iyo kuwa iibsada.
Qiimaha cusub ee la iibinayo Gaaska ayaa ka dhigaysa in 42% uu kordhay waqti kooban, waxaana laga cabsi qabaa in boqollaydu ay intaas kasii badato waa haddii aan si degdeg ah gaaska la sugayo dalka usoo gaarin.
Sababta ugu weyn ee qiimaha kororka waa Kaydka Gaaska Cuntada lagu karsado uu sii dhammaanayo iyada oo aanay weli dalka soo gaarin Gaaskii la dalbaday oo la sheegay in uu imaan karo ilaa 10ka Bishaan sida uu noo sheegay mid ka mid ah Ganacstada dalka keenta Gaaska.
Qoysas badan ayaa ku tiirsan isticmaalka Gaaska wax lagu karsado, waxa ay haatan wajahayaan qiima ka badan lacagihii ay ku heli jireen, sidoo kale Goobaha cunnooyinka lagu iibiyo iyo Maqaaxiyada ayaa isticmaalla.