Koonfur Galbeed oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Baydhaba.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in guud ahaan la soo afjaray weerarkii ay koox ay ugu yeertay “Khawaarij” saaka ku soo qaaday magaalada Baydhaba.
Maamulka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si buuxda uga hortageen weerarka, isla markaana ay soo afjareen kooxihii weerarka soo qaaday. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay haatan wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo deegaanada ku dhow.
Koonfur Galbeed ayaa intaas ku dartay in meydadka xubno kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday goordhow loo soo bandhigi doono, iyadoo aan maamulka weli si rasmi ah u shaacin tirada meydadka ama khasaaraha dhinaca ciidamada iyo shacabka.
“Guud ahaan waxaa la soo afjaray Khawaarijtii saaka weerarka kusoo qaaday magaalada Baydhaba, waxaana goordhow la soo bandhigi doonaa meydadkooda,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka ayaa sidoo kale shacabka Baydhaba ugu baaqay inay isdejiyaan, ayna ka fogaadaan goobaha ay ciidamada amniga ka wadaan howlgalada, si loo xaqiijiyo badqabka dadka deegaanka.
Shacabka ayaa sidoo kale loogu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada kooxihii weerarka qaaday ama haraadiga kooxaha weli ku sugan nawaaxiga magaalada.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo ay maamulka ku tilmaamay “sifeyn” loogu sameynayo haraadiga kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo la adkeynayo ammaanka goobaha muhiimka ah ee magaalada Baydhaba.
Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya tirada khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo xaaladda iyo natiijada howlgalka.