Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Wararkii u dambeeyay xaaladda magaalada Baydhabo

Wararkii u dambeeyay xaaladda magaalada Baydhabo

Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay inay si buuxda gacanta ugu hayaan nabadgelyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ka dib dagaal gudaha magaalada ku dhex maray dhinacyo kala duwan.

Sida ay baahisay Warbaahinta maamulka, ciidamada ammaanka ayaa iska caabiyay weerar ay sheegeen inay soo qaadeen xubno ka tirsan AS.

Afhayeen u hadlay ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa isna dhankiisa sheegay inay iyagu weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, taasoo muujinaysa xiisadda xooggan ee ka dhex jirta dhinacyada iska soo horjeeda.

Inkastoo maamulku sheegay inay xaaladda dejiyeen, haddana weli waxaa meelaha qaar laga maqlayaa rasaas goos-goos ah oo gudaha magaalada ka dhacaysa.

Ciidamada heer Federaal iyo kuwa Dowlad Goboleedka oo markii horeba ku sugnaa magaalada ayaa hadda si wadajir ah uga shaqeynaya sidii xaaladda gebi ahaanba loo xasilin lahaa.