Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dowladda oo faahfaahisay howlagal gaar ah oo ka dhacay gobolka Baay.

Dowladda oo faahfaahisay howlagal gaar ah oo ka dhacay gobolka Baay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ay xalay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab si qarsoodi ah ugu dhuumaalaysanayeen, iyadoo ciidamada Danab ay ku qaadeen weerar qorsheysan.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in intii uu socday hawlgalku ay ciidamada dileen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay gabbaadkii ay maleeshiyaadku ku dhuumaalaysanayeen, taas oo Wasaaraddu sheegtay inay qayb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda ee Gobolka Baay.

Hawlgalka ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgallo milatari ka wadaan qaybo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in hawlgallada noocan ah ay qayb ka yihiin qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ciidamada dowladdu howlgallada ka wadaan.

Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale bogaadiyay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay ciidamada Danab iyo kuwa kale ee Xoogga Dalka ugu jiraan sugidda amniga dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa adkaysay in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo dowladda ay sheegtay inay ka go’an tahay in laga xoreeyo dalka goobaha ay weli kaga sugan yihiin kooxda, lana xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo amni waara.