Maxkamadda ICJ oo ku dhawaaqday in qabsashada joogtada ah ee Israa’iil ee dhulalka Falastiin ay tahay sharci-darro, kuna dalbatay ka bixitaan iyo magdhow
Hay’adda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (#ICJ), ayaa si cad u sheegtay in joogitaanka joogtada ah ee ciidamada Israa’iil iyo maamulka ay ku hayso Dhulka Falastiin ee la haysto, oo ay ku jiraan Daanta Galbeed (#WestBank), Bariga Qudus (#Jerusalem) iyo Marinka Gaza, ay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay tahay in si degdeg ah loo soo afjaro.
Maxkamaddu waxay carrabka ku adkaysay in hawlaha degsiimooyinka Israa’iil, oo ay ka mid yihiin in si nidaamsan loo dejiyo dad Israa’iiliyiin ah dhulalkan iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah si dhaqaale loo helo, ay yihiin kuwo sharci-darro ah marka loo eego heshiisyada caalamiga ah.
Waxay sidoo kale dalbatay in si degdeg ah looga daadgureeyo dhammaan dadka degan degsiimooyinka Israa’iil ee ku sugan dhulalkan, isla markaana la burburiyo degsiimooyinka jira si dib loogu soo celiyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah.
Intaa waxaa dheer, ICJ waxay xaqiijisay waajibka saaran Israa’iil inay magdhow siiso dhibbanayaasha Falastiiniyiinta (#Palestinian) ee waxyeellada ka soo gaartay qabsashada, oo ay ku jiraan khasaaraha dhulka, khayraadka iyo hab-nololeedka.
Maxkamaddu waxay sidoo kale adkaysay in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (#UnitedNations) ay leeyihiin waajib sharci ah oo ah inaysan u aqoonsan qabsashada mid sharci ah, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin ku habboon oo looga hortagayo nooc kasta oo taageero ama aqoonsi ah oo sharciyad siin kara qabsashada.