Midowga Yurub oo diiday in Gaza la beddelo xuduudaheeda ama dadka laga barakiciyo
Midowga Yurub ayaa si adag uga soo horjeestay isku day kasta oo lagu beddelayo xuduudaha dhuleed ama qaab-dhismeedka dadka ee Gaza.
Afhayeen u hadlay EU ayaa sheegay in Midowga Yurub uu taageerayo in Gaza lagu mideeyo Daanta Galbeed, iyadoo ay maamusho Maamulka Falastiin, si loo ilaaliyo midnimada siyaasadeed ee dhulka Falastiin.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in aan la oggolaan karin barakicin khasab ah oo lagu sameeyo dadka Gaza, isagoo xusay in Gaza ay tahay qayb aan laga goyn karin oo ka mid ah dowlad Falastiini ah oo mustaqbalka madax-bannaan, isla markaana muhiim u ah midnimadeeda dhuleed iyo madaxbannaanideeda.