Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Israel ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland,iyadoo sheegtay inay la kulmi karaan khataro amni.

Israel ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland,iyadoo sheegtay inay la kulmi karaan khataro amni.

Golaha Amniga Israel ayaa Somaliland ku daray heerka 4-aad ee digniinta safarka, oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinta Israel.

Heerkan waxaa loola jeedaa in safarka Somaliland laga mamnuucay muwaadiniinta Israel, halka dadka Israel u dhashay ee horey ugu sugan Somaliland lagu boorinayo inay si degdeg ah uga baxaan.


Digniintan ayaa Somaliland ku waafajisay goobaha Israel ay u aragto khatar sare, waxaana Golaha Amniga Israel sheegay in muwaadiniintu ay ka fogaadaan meelaha lagu dhawaaqay Level 4, xitaa marka ay yihiin meel ay transit ahaan u sii marayaan.


Somaliland ayaa saaxiibtinimada, soo dhawaynta, xamaasada iyo qaadashada Calanka Israel ku soo dhawaysay si ka saraysa sida Israel u aragto Somaliland.